October 2022
Qawmiyadaha Soomaalida iyo Oromada oo ku dagaalamaya Itoobiya.
Wararka ka imaanaya degmada Guri-dhaamoole ee gooblka Liiban ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya, ayaa sheegaya in halkaa uu dagaal ka socdo. Dagaalka ayaa waxa uu u dhaxeeyaa qawmiydaha Soomaalida iyo Oromada oo halkaa wada dega, iyadoo wali ay go’antahay isgaarsiintii degmadaasi. Sida ay sheegayaan dadka deegaankaasi, ayaa shalay waxaa la gubay guryo, waxaana dagaalkaasi ka dhashay […]
Midowga Yurub oo ka dayriyey xaaladda bani’aadanimo ee Tigray.
Ururka Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay in xaalada bini’aadantinimo ee gobolka Tigray ay sii xumaatay, kadib markii uu dib u soo cusboonaaday dagaalkii sokeeye. Madaxa maareynta xasaradaha ee Midowga Yurub, Janez Lenarcic, ayaa sheegay in xaaladda bini’aadantinimo ay gaartey meel halis ah, oo ka xun dagaalka ka hor, haatanna ay ka sii dartay. “Kadib dhamaadkii […]
Kooxo hubaysan oo K/Afrika ku dilay Wiilal Soomaali ah.
Dhallinyaro Soomaaliyeed, oo lagu kala magacaabi jiray Abdikarin Abdullahi Mohamud iyo Abdullahi Dheere, ayaa ALLAHA u Naxariistee Maanta Dharaar cad lagu Dilay Guguletu oo ka tirsan Magaalada Cape Town ee Dalka Koonfur Afrika. Kooxo Hubaysan, ayaa Labada Marxuum ku kala weeraray Labo Dukaan oo isku dhow, iyagoo falka ka dibna goobta ka baxsaday ka hor […]
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo madax kale oo ku tukaday Janaaso meydka Farxaan Qaroole.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Masjidka Madaxtooyada kaga qeyb galay Salaadda Janaasada lagu tukaday taliyihii qeybta Guud ee Booliiska Gobolka Banaadir. Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan, ayaa ku dhintay dagaalkii shalay, kaasoo ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Sida ay qortey warbaahitna dowladda, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in marxuum Farxaan Maxamuud Qaroole, uu […]
Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo dib u qabsatay Moqokori.
Wararka ka imanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dib u qabsadeen deegaanno ka tirsan gobolkaasi oo dhawaantan laga saaray. Deegaannada ay dib ula wareegeen, ayaa waxaa kamid ah magaalada Moqokori, oo ku dhaw xadka gobolkaasi uu la wadaago labada gobol ee Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud. Dhinaca kale waxa maanta lagu […]
Xaaladda abaarta ee Waqooyi Bari Kenya oo ka sii dareysa.
Abaarta ka jirta dhulka Soomaalida, ayaa saameyn weyn yeelatay, iyadoo gobolka Waqooyi Bari Kenya kamid yahay meelaha abaartu sida ba’an ay ugu dhufatay. Dadka ayaa deegaanadooda isaga barakacay, si ay xoolahoodu inta u hartay biyo ugu baadi goobaan. Qaar kamid ah mas’uuliyiinta gobolka, ayaa hadda walwal ka muujinayanolosha dadka, haddii ay abaartu sii jirto, oo […]
Golaha guurtida Somaliland oo labo sano u kordhiyey Madaxweyne Muuse Biixi.
HARGEISA — Golaha Guurtida Somaliland ayaa muddo laba sano ah ugu kordhiyay muddo xileedka madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kadib kulan uu goluhu maanta iskugu yimid. Guurtida ayaa sidoo kale muddo shan sano ah ku korosatay muddo xileedkooda, kaddib codkii maanta. Dhawaan guddi doorashada Somaliland ayaa sheegay inaysan doorashada Somaliland ku dhici karin xilligii loo tala […]
Nasashada Jimcaha. Q- 324=Siyaasiyiinta Somalida ee aan Dadka la xiriirin amaa wakhtigu ka dhamaadaa =
1. Nin ayaa tagay Qabrigii Saaxiibtii, waxa uu yiri: Saaxiibteey waxa ey ku dhimatay 24 sano jir. Qabrigii ayuu Cod ka maqlay ku qeylinayo, ha khaldin Da’daa ma garin, markii aan dhimanayay Duq miyaad ii maleeysay. Waxaa jiray 23 sano. ( F.S: 1aad) ( waxaa jirto Murti leh::Haweenka Da’dooda ha weydiin. Hooyadaa ayaa laga yaabaa […]
Saraakiisha caafimaadka Kenya oo baadhaya qof looga shakisan yahay xanuunka Ebola.
NAIROBI, KENYA — Saraakiisha caafimaadka ee Kenya ayaa baadhaya kiis looga shakisan yahay xanuunka Ebola oo lagu arkay Galbeedka dalkaas, gaar ahaan meel u dhow xuduudda dalka Uganda, oo uu ka dilaacay fayraska dilaaga ahi, waxaana wararka ka imanaya dalkaasi ay sheegayaan in illaa 35 xaaladood oo xanuunka Ebola ah in lagu arkay Uganda, halka […]
Australia: Shirkad laga xaday xogta 10.2 milyan oo ka mida macaamiisheeda iyo FBI-da oo gacan ka siinaysa baadhista.
SYDNEY – Dawladda Australia ayaa ka codsatay hay’adda dembibaadhista ee Maraykanka ee FBI inay ka gacan siiso sidii loo soo qaban lahaa budhcadda computer-ada jabsata, kuwaas oo dhowaan u dhacay ama jabsaday computer-ada dalka Australia, isla markaana ka xaday xogtii ugu badnayd. Budhcadda internetka ayaa jabsaday computer-ada shirkada isgaadhsiinta Optus ee laga leeyahay dalka Singapore, […]
