1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo madax kale oo ku tukaday Janaaso meydka Farxaan Qaroole.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Masjidka Madaxtooyada kaga qeyb galay Salaadda Janaasada lagu tukaday taliyihii qeybta Guud ee Booliiska Gobolka Banaadir.

Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan, ayaa ku dhintay dagaalkii shalay, kaasoo ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sida ay qortey warbaahitna dowladda, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in marxuum Farxaan Maxamuud Qaroole, uu ahaa geesi ay ka go’nayd inuu wax u qabto dadkiisa, difaacana dalkiisa Soomaaliyeed.

“Dadka Soomaaliyeed maanta waxay leeyihiin hal cadow oo ay tahay inay cudud iyo caqliba u mideeyaan,” sidaasi waxaa yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa sheegay in ay damiir xumo tahay ganacsatada hantidooda sida baadda ah u siiya Alshabaab.