1 min read

Xaaladda abaarta ee Waqooyi Bari Kenya oo ka sii dareysa.

Abaarta ka jirta dhulka Soomaalida, ayaa saameyn weyn yeelatay, iyadoo gobolka Waqooyi Bari Kenya kamid yahay meelaha abaartu sida ba’an ay ugu dhufatay.

Dadka ayaa deegaanadooda isaga barakacay, si ay xoolahoodu inta u hartay biyo ugu baadi goobaan.

Qaar kamid ah mas’uuliyiinta gobolka, ayaa hadda walwal ka muujinayanolosha dadka, haddii ay abaartu sii jirto, oo aano di’in roob.

Xuseen Weytaan, oo kamid ah xildhibaanada Bariga Mandheera, ayaa Ciise Xaaji Cabdulle uga waramay baaxadda abaarta, iyo dadaalada uu wado is maamul goboleedka laga soo doortey.

Weytaan, ayaa carabka ku dhuftay in xoolaha harey aaney awoodin iney gaaraan goobta laga heli karo biyaha.

Sidoo kale, xildhibaanka ayaa ka dayriyey nolosha dadka shacabka ah, isagoo rajeynaya in raxmadd Eebbe dhawaan ku hoori doonto gobolka.