1 min read

Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo dib u qabsatay Moqokori.

Wararka ka imanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dib u qabsadeen deegaanno ka tirsan gobolkaasi oo dhawaantan laga saaray.

Deegaannada ay dib ula wareegeen, ayaa waxaa kamid ah magaalada Moqokori, oo ku dhaw xadka gobolkaasi uu la wadaago labada gobol ee Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud.

Dhinaca kale waxa maanta lagu wadaa in Muqdisho lagu aaso taliyihii booliska gobolka Banaadir, oo shalay qarax ka dhacay duleedka Muqdisho lagu dilay.