1 min read

Golaha guurtida Somaliland oo labo sano u kordhiyey Madaxweyne Muuse Biixi.

HARGEISA — Golaha Guurtida Somaliland ayaa muddo laba sano ah ugu kordhiyay muddo xileedka madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kadib kulan uu goluhu maanta iskugu yimid.

Guurtida ayaa sidoo kale muddo shan sano ah ku korosatay muddo xileedkooda, kaddib codkii maanta.

Dhawaan guddi doorashada Somaliland ayaa sheegay inaysan doorashada Somaliland ku dhici karin xilligii loo tala galay inay ku qabsoonto oo ku aaddan bisha December 2022.

Xisbiyada mucaaradka weli kama hadlin kororsiga muddo xileedka hay’adaha dowladda.

Dhowr jeer oo hore ayay mucaaradku diideen muddo korosi, iyaga oo ku baaqay in doorashada guurtida iyo madaxweynaha isku mar wakhtigooda lagu qabto, waxaana dibadbaxyo looga soo horjeedo dib u dhaca doorashada ay ku qabteen magaalooyinka kala duwan ee Somalilland.

Wixii kusoo kordha halkan ayaad kala socon doontaan.