4 mins read

Nasashada Jimcaha. Q- 324=Siyaasiyiinta Somalida ee aan Dadka la xiriirin amaa wakhtigu ka dhamaadaa =

1. Nin ayaa tagay Qabrigii Saaxiibtii, waxa uu yiri: Saaxiibteey waxa ey ku dhimatay 24 sano jir. Qabrigii ayuu Cod ka maqlay  ku qeylinayo, ha khaldin Da’daa ma garin, markii aan dhimanayay Duq miyaad ii maleeysay. Waxaa jiray 23 sano. ( F.S: 1aad)

( waxaa jirto Murti leh::Haweenka Da’dooda ha weydiin. Hooyadaa ayaa laga yaabaa in Da’daada ka yar ey kuu sheegto in ey jirto)

2. Naag Maseyrsan ayaa waxaa ka dhumay Wiil yar oo ey dhashay, kadibna Baraha Bulshada ayey soo dhigtay Sawirka Lugtiisa si ey u muujiso in uu yahay Wiil yar. Dadkii ayaa badanaa isku raacay in Wiilku uu yahay Socod barad sida Sawirka ka muuqato.
Sodogteed ayaa “Comment” ku soo qortay,  Sawirku waxa uu muujinaa in Naagtaani ey tahay Areebo urtooy oo Gurigeedu uuna nadiif aheyn. ( F.S: 2aad)

( Sodog iyo Xaaska wiilkeeda yaa isku diray, ma ahan Sodog oo dhan)

3. Naag ayaa tagtay Salon lagu habeeyo wajiga si Da’deeda loo yareeyo. Markii ay ka soo baxday  waxa ey raacday Taxi waxa  weeydiisay Taksiilihii:  meeq sano ayaad u maleynee Da’deyda?. Waxa uu yiri: 29 Sano. Waxa ey ku tiri: Waxaan jiraa 47 sano. Kadib waxa ey gashay Makhaayad waxa ey weydiisay Xisaabiyihii isla su’aashii waxa uu yiri: 28 Sano.  Waxa ey ku tiri: 47 Sano. Kadib waxa ey tagtay Dukaan, Dukaanlihii ayeey weydiisay isla su’aashii waxa uu yiri: 28 Sano.
Kadibna waxaa wadada uga hor yimid Nin oday ah. Waxa ey weydiisay isla su’aashii. Waxa uu ku yiri: Arageeygu waa laciif si fiican wax uma arko. Si aan ku ogaado Da’daada, waa in aan taataabto Naasahaaga.  Waa la yaabtay, markii dambe ayey gees ula baxday ,dharkii ayeey dhinac uga leexisay oo ku tiri taataabo. Waa taataabtay, oo salaaxay.

20 daqiiqo kadib ayuu yiri: Waxaad jirtaa 47 Sano. Iyada oo yaaban ayeey ku tiri: Sideed ku ogaaty? Waxa uu yiri: Haddii aadan iga xanaaqeyn waa kuu sheegaa. Waxa ey ku tiri: ii sheeg. Waxa uu ku yiri: Markii aad Makhaayadda iyo Dukaanka joogtay ayaan ku daba socday oo aan kaa maqlayay in aad 47 Sano jirto. ( F.S: 3aad)

( Odaygii hadda waa Siyaasi, iska hubiya Shacaboow yaan Siyaasiyiintu idin salsalaaxine )

4. Gabar yar oo dhaqan Celin loo keenay Dalka ayaa Hooyadeed ku tiri: Hooyo hoo Go’aan Madaxa qarso waxaa soo socdo Abti, kii kula dhashay.

Kadibna, Waxa ey  aragtay Hooyadeed oo Soor Cunee. Aabaheed ayeey ku tiri: Aabe, Hooyo Cajiin ayeey Cunee. ( F.S: 4aad)

( Gabadhaa yar, ha ku qoslin hana niyad jabin, tartiib tartiib, u fahamsii Diinta iyo Dhaqanka)

5. Muriidii iyo Saaxiibkii oo Xanar weyne dhax socdo ayaa waxaa ka hor yimid Labo Nin oo Qoryaaley ah oo Xaafadda Mukulaal madow ka ahaa. Waxa ey weydiiyeen na tus Guriga Macaani waxa uu yiri: ma aqaan. Waxaa la yiri: walba ma taqaan Dukaanka Aay iisho. Wa waxa uu yiri: ma aqaan. Waxaa la yiri: noo tilmaan makhaayadda Maclow? waxa uu yiri: ma aqaan.
Waxa ey ku yiraahdeen, war kani muxuu ahaa? War Alle ma taqaan?. Waxa uu yiri: Ma aqaan.
Markii ey ka tageen. Ayaa Muriidi Saaxiibkii ku yiri: war ma waalatay, maxaad u tiri: Alle ma qaan?. Waxa uu yiri: waxaan ka baqaa kuwaaneey in ey i dhahaan noo geey.

( Nin hubeeysan yuuna ku dambaajin, Basarkana waa lagu badbaadi karaa Naftaad ayey yiraahdeen Reer Xamarweyne)

6.  Caasho oo aheyd Gabar qaan gaar ah ayaa u tagtay Nin Doob ah waxa ey ku tiri: Waxaan rabaa in aan Ragga soo jiito ee ila tali.
Waxa uu ku yiri: Halla hadlin, ilaa uu kula hadlo. Ha fiirin ilaa uu kul fiiriyo. Ha qoslin ilaa uu qoslo, ka dhaqaaq inta uuna kaa dhaqaaqin.

Alla ha u naxariistee Caasho waxa ey geeriyootay iyada oo aan weli guursan. ( F.S: 5aad)

( Siyaasiyiinta Somalida ee aan Dadka la xiriirin amaa wakhtigu ka dhamaadaa iyaga oo aan baahidda Bulshada weli fahmin).

Qore: Yahya Amir