29 Apr, 2024
1 min read

Aalada Tik-tok oo wajihi karta ganaax lacageed oo dhan £27m.

Shirkadda Tik Tok ayaa wajahaysa ganaax lacageed oo dhan 27 Milyan oo pound kaddib markii sida la sheegay ay ku guul dareysatay inay ilaaliso xogaha gaarka ah ee carruurta isticmaala aaladdaasi. Madaxa xafiiska war-faafinta Britain ayaa sheegay in aaladdan soo bandhigta muuqaalada ay ahayd inay xakameyso xogaha carruurta da’adoodu ay ka hooseyso 13 sano jir, […]

1 min read

Wafdigii Madaxweynaha Soomaaliya oo dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, ka dib maalmo uu ku sugnaa dalka Mareykanka. Madaxweynaha ayaa ka qeyb galay Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobe, kaasi 13 bishaan ka furmay magaalada New York ee dalka Mareykanka. Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa sheegtay safara Madaxweynaha uu ku […]

1 min read

Al-Shabaab oo lagala wareegay deegaanno ka tirsan Gobolka Bay.

Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo kuwa Xoogga dalka oo iskaashanaya ayaa maanta Al-shabaab kala wareegay deegaanno ka tirsan Gobolka Bay. Saraakiisha Hoggaamineysa Howgalka ayaa sheegay in ay maanta la wareegeen Deegaannada kala ah Saydheelow, Buula jadiid, Mataani, uusli iyo Busley oo dhamaantooda ka tirsan Gobolka Bay. Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in ay ku wajahan yihiin […]

1 min read

Dowladda oo dalka dib ugu soo celineysa Dhalinyaro ku xirneyd Xabsiyada Liibiya.

Dowladda Soomaaliya ayaa ayaa dalka dib ugu soo celisa dhalinyaro ay maxaabiis ahaan u haysteen kooxaha Magafayaasha ee dalka Liibiya. Dhalinyarrada oo tiradoodu gaareyso 9 ruux ayaa la sheegay qaab tahriib ahaan ay ku tageeb dalka Liibiya, halkaasi oo ay doonayeen in ay uga sii gudbaan Europe. Xoghayeha 1-aad Safaaradda Soomaaliya ee dalka Liibiya, Ayuub […]

5 mins read

Madaxweynaha cusub ee Kenya oo ka hadlay waxa uu ka yeelayo muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay BBC-da uga hadlay mowqifkiisa ku aaddan muranka xadka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, kaasoo ay horay go’aan uga gaartay maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda (ICJ). Maxkamadda hoos tagta Qaramada Midoobay ee fadhigeedu yahay magaalada Hague ayaa kiiskaas oo sannado badan socday xukun […]

1 min read

Shir ka dhacay Muqdisho oo looga hadlay wax ka qabashada dhibaatada ka dhalatay abaarta.

Waxaa maanta magaalada Muqdisho goordhaweyd lagu soo gebagabeeyay shir heerkiisu uu sarreeyo oo loogaga hadlayay ka jawaab celinta abaarta ku dhufatay Soomaaliya. Shirkan ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa gargaarka bini’aadamnimo ee la doonayo in lagu gaaro malaayiinta qof ee ay ku habsatay abaarta daba dheeraatay. Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Soomaaliya Saalax […]

1 min read

Deegaannada ilaa hadda laga qabsaday Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa Al-Shabaab kala wareegtay deegaanno ku dhow labaatan oo ay ka haysatay gobollada Hiiraan, Bay iyo Galguduud, sida qortay Wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA. Warku wuxuu intaa ku daray in Al-Shabaab laga dilay 30 maleeshiyo. Wakaaladda oo tebisay howlgallo maanta laga sameeyay gobolka Bay ayaa sheegtay in uu ciidanku ku wajahan yahay deegaanka […]

1 min read

Sheekh Yuusuf al-Qaradawi oo geeriyooday.

DOHA — Sheekh Yuusuf al-Qaradawi oo ka mid ahaa culimada ugu caansan Islaamka, ayaa maanta geeriyooday isaga oo 96 jir ah, sida lagu sheegay qoraal lasoo dhigay bartiisa rasmiga ah ee twitter-ka. Sheekh Yuusuf al-Qaradawi, oo u dhashay dalka Masar, islamarkaana ahaa hoggaamiyaha ruuxiga ah ee ururka Ikhwaanul Muslimiin ayaa sanadihii dambe waxa uu fadhiggiisu ahaa […]

1 min read

Abaaro weli ka jira qeybo ka mid ah gobolka Gedo.

Deegaanada gobolka Gedo qaarkood ayaa waxaa weli ka jira abaaro baahsan oo saameeyay dadka iyo duunyada. Wararka laga helayo deegaanka Garilleey ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in dadka deegaankaasi ay saamaysay biyo la’aan iyo goobo bixiya adeeg caafimaad oo aan jirin. Dhanka kale Gobolka Gedo ayaa abaarta ka jirta waxay tahay midbsaamaasay dad iyo duunyo, […]