1 min read

Al-Shabaab oo lagala wareegay deegaanno ka tirsan Gobolka Bay.

Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo kuwa Xoogga dalka oo iskaashanaya ayaa maanta Al-shabaab kala wareegay deegaanno ka tirsan Gobolka Bay.

Saraakiisha Hoggaamineysa Howgalka ayaa sheegay in ay maanta la wareegeen Deegaannada kala ah Saydheelow, Buula jadiid, Mataani, uusli iyo Busley oo dhamaantooda ka tirsan Gobolka Bay.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in ay ku wajahan yihiin deegaanka Labaatan jirow oo ah Saldhiga ugu weyn ee Al shabaab ay kuleeyihiin Gobolka Bay.