1 min read

Wafdigii Madaxweynaha Soomaaliya oo dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, ka dib maalmo uu ku sugnaa dalka Mareykanka.

Madaxweynaha ayaa ka qeyb galay Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobe, kaasi 13 bishaan ka furmay magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa sheegtay safara Madaxweynaha uu ku soo dhammaaday guul, isla markaasna kulan-doceedyo la qaatay Madaxda dalal kala duwan ‘si u xaqiijiyo taageerada diblumaasiyadeed ee muhiimka u ah midnimada iyo xasilloonida dalka’.