1 min read

Kenya oo ku raad joogta burcad dishay 11 qof.

Kenya ayaa bilowday howlgal ay kusoo qabaneyso burcadda dhacda lo’da kuwaas oo sabtidii dilay 11 qof.

Dadkan ay burcadda ku dishay Turkana waxay isugu jireen 8 saraakiil boolis ah, 2 qof oo rayid ah iyo hoggaamiyaha tuulo ku taalla halkaas.

Booliska Kenya waxay sheegeen in howlgalkan looga golleeyahay sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dambiilayaasha iyo sidii dib loogu soo celin xoolo iyo hub ay dhaceen kooxda.

Waxay shacabka deegaanka ugu baaqeen inay siiyaan xogta oo horseedi karta in lasoo qabto burcadda.