1 min read

Shir ka dhacay Muqdisho oo looga hadlay wax ka qabashada dhibaatada ka dhalatay abaarta.

Waxaa maanta magaalada Muqdisho goordhaweyd lagu soo gebagabeeyay shir heerkiisu uu sarreeyo oo loogaga hadlayay ka jawaab celinta abaarta ku dhufatay Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa gargaarka bini’aadamnimo ee la doonayo in lagu gaaro malaayiinta qof ee ay ku habsatay abaarta daba dheeraatay.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac oo shir guddoominayay kulanka ka jawaab celinta dhibaatada ka dhalatay abaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in abaarta ay tahay halis qaran isla markaana ku baaqay in la dardargeliyo howlaha gurmadka ah.

“Shirkii wadatashi ee ugu dambeeyey ee aan ka qayb galay ee lagaga hadlayey arimaha wax ka qabashada abaartu wuxuu ahaa mid lagu go’aamiyey in arintaasi tahay halis qaranka soo food saartay oo mudnaan qaranna leh. Markaa waxa hogaanka dalku wuxuu sid wada jir ah ugala hadlay arintaas shacabka Soomalaiya iyo hay’adaha qarankana waxa la faray in ay dardar geliyaan wax ka qabashadeeda” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Soomaaliya.

Dhanka kale, Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey James Swan oo ka hadlayay shirka ayaa sheegay in uu socdo gurmadka loo fidinayo dadka ay abaaraha saameeyeen inkasta ay kasoo daaheen lacagihii loogu talagalay waxkqabashada abaaraha.

Dhowr xilli roobaad oo uusan roob wanaagsan ka di’in Soomaaliya iyo colaado soo laablaabtay ayaa waxa ay horseedeen in dad badan ay guryahooda ka barakacaan iyagoo miciin bidaya haddba deegaanka ay gaari karaan.