1 min read

Qofkii labaad oo ku dhintay duullimaadka diyaaradda Kenya oo ka soo baxay New York.

Mas’uuliyiinta shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways ayaa xaqiijiyay in uu geeriyooday qof rakaab ah oo la socday diyaaraddooda kasoo duushay New York oo ku soo wajahneyd Nairobi.

Waa markii labaad oo uu dhinto qof la socday duullimaadka kasoo baxay New York ee isla diyaaraddan, muddo sagaal maalmood gudahood ah.

Bayaan ay shirkadda soo saartay maanta oo ay shaaciyeen wargeysyada Nation iyo The Star ayaa lagu sheegay in qofka rakaabka ah oo aan la magacaabin uu dhintay 2-dii bishan September, abaare 6:30am.