1 min read

Maxkamadda ugu sarreysa Kenya oo soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda doorashada Madaxweynaha.

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa soo gabagabeysay dhageysiga dacwad lagu doonayay in lagu laalo natiijada doorashadii madaxtinimo ee 9-kii August.

Intii uu socday dhageysiga dacwadda, maanta Jimce ah, qareennada u doodayay kooxda dacwadda gudbisay ayaa ku eedeeyay guddiga doorashada inay ku guul-darreysteen inay u hoggaansamaan amarrada lagu furayo qalabka codadka, si loo kormeero.

Qareenada u doodaya siyaasiga rugcaddaaga ah, Raila Odinga, ayaa maxkamadda ku boorriyay in ay baabi’iso guushii uu doorashada ka gaaray madaxweynaha la doortay ee William Ruto, iyaga oo ku dooday iney doorashada u dhacday si aan sharciga waafaqsaneyn.

Dhanka kale, qareenada u doodayay Ruto iyo guddiga doorashada, ayaa si adag isu difaacay iyagoo ka codsaday maxkamadda inay meesha ka saarto kiiska, maadaama, sida ay sheegeen “aan la keenin wax caddaynaya in doorashada lagu shubtay”.

Waxay noqon doontaa sugitaan werwer leh oo la sugayo xukunka bedeli kara siyaasadda Kenya. Xukunka ayaa la ridi doonaa Isniinta.