1 min read

Ciidamada Dowladda oo bur buriyay Maxkamado ay Al-shabaab ku lahaayeen Duleedka Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Axmed Macalim Fiqi, ayaa sheegay in todobaadkii lasoo dhaafay ciidanka dowladda soomaaliya ay bur burburiyeen Maxkamado Al-shabaab ku lahaayeen duleedyada magaalada muqdisho.

Maxkamadahaasi ayuu ku sheegay in al-shabaab ay ugu u yeeri jireen shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda muqdisho.

Intaasi waxa uu ku daray wasiirka arrimaha gudaha in ciyaal weerado ay ka hoos dhasheen kooxaha loogu yeero argagixisada sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka Wasaaradda ayaa tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ay wado qorsho mid ah ka qaadanayaan dagaalka lagula jiro dagaalameyaasha al-shabaab.