1 min read

Bilaal Bulshaawi oo Muqdisho goordhow lagu dhaawacay.

Waxaa caawa goordhow nawaaxiga Isgoyska Banaadir lagu rasaaseeyay wiil dhalinyara ah oo caan ka ah baraha Bulshada kaasoo lagu magacaabo Bilaal Bulshaawi.

Sida wararku sheegayaan, Bilaal Bulshaawi oo caan ka ah Tiktok ayaa lagu weeraray isagoo fadhiya maqaayada lagu magacaabo Casri Coffee.

Waxaa lala dhaawacay wiil dhalinyara ah oo la sheegay inuu la socday ama la fadhiyay maqayadas, waxaana la soo sheegayaa in xaaladiisa lala tacaalayo, Alle Caafimaad ha siiyo madaxweynaha Tiktoka Bilaal Bulshaawi.