4 mins read

TPLF oo farriin u dirtay dhallinyarada Soomaalida.

Dagaalka Waqooyiga Itoobiya ee dib u qarxay oo u dhaxeeya Fallaagada iyo ciidamada dowladda dhexe ayaa galay maalintii toddobaad.

TPLF waxay qabsatay magaalada Qobbo oo ay ka baxeen ciidamada Itoobiya kaddib markii dhulka buuraleyda ah oo magaaladaas ku teedsan oo ay labada dhinac dagaallo ku dhex mareen.

Afhayeenka TPLF, Getachew Reda oo xalay wareysi siiyay Telefishinka Tigray ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin dagaalka waxa keenay, macluusha deegaanka Tigray ka jirta iyo wadahadallada nabadeed ee labada dhinac u dhaxeeyay halka ay ku dambeeyeen.

Getachew wuxuu farriimo kala duwan u diray qowmiyadaha dalka Itoobiya, isaga oo u jeediyay in aysan qeyb ka noqon dagaalka ka socdo waqooyiga dalkaas.

Qowmiyadaha uu farriinta u diray waxaa ku jirta Soomaalida deggan dalkaas, gaar ahaan dhallinyarada. Isagoo si gaar ah u magacaabay qabiil ayuu ku taliyay in aysan u ololeyn in Walqayti ay leedahay Amxaarada.`

Wuxuu yiri: “Walqayti Amxaarada iyo shacabka Amxaarada iskama laha. beeraleyda Amxaarada goormee ayay Walqayti yeesheen kana faa’ideysteen? …ma jirto sabab ay dhallinyarada Soomaalida ah ugu dhammaanayaan,” ayuu yiri Getachew Reda.

Wuxuu sheegay dadaalka ay ugu jiraan ‘inay aayahooda u halgamaan’ waa sida uu hadalka u dhigaye ‘xabbadda ay ridayaan in aysan kala garaneyn Soomaali, Amxaara, ama cid kale. Ma kala garaneyso xabbadda, qofka wajiga ayay uga dhaceysaa’.

“Maxaan ubadkeenna u waayeynaa? Annaga ayuu khasaare badan na soo gaaray, waa dhimannay, waxyeello badan baa na soo gaartay. Hantidii dalka Itoobiya uu lahaa oo dhanna si hal qof loo raalligeliyo, ganacsato koobanna danahooda loogu fuliyo ayay shacabka Tigray wajaheen dhibaato aysan mudneyn,” ayuu yiri Getachew.

Afhayeenka TPLF waxaa uu sheegay inay mar walba diyaar u yihiin in colaadda wadahadal nabadeed lagu soo afjaro, uuna aaminsan yahay in maalin miiska wadahadalka la isugu imaan doono.

Mar uu ka hadlayay macluusha haysata shacabka deegaanka Tigray, wuxuu sheegay inay shacabka Tigray haysato macluul iyo gaajo aan taariikhdooda horay u soo marin.

“Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP oo warbixin ka soo saartay xaaladda macluul ee deegaanka ka jirta waxay ku sheegtay 89% shacabka Tigray inay xaalad macluul ah ku jiraan oo maalintii hal mar ka badan wax ay cunaan aysan haysan,” ayuu yiri.

“Gobolka Tigray haddii uu dal madaxbannaan noqdo oo Itoobiya uu ka go’o iyo haddii uu Itoobiya ka sii mid ahaado intaba, wuxuu mar walba deris la sii ahaanayaa deegaanka Amxaarada oo waan is-hurannahay,” ayuu yiri Getachew Reda.

Dhanka kale, afhayeenka TPLF wuxuu beeniyay warka sheegaya in ciidamadooda ay qabsadeen magaalada Waldiya ee ka tirsan deegaanka Amxaarada.

War-saxaafadeed ay maalintii shalay ahayd soo saartay Dowlad-deegaanka Soomaalida ayaa si kulul u cambaaraysay dagaalka soo cusboonaaday ee uu “dhiiga badan ku daatay” kaas oo u dhaxeeya kooxda TPLF iyo ciidamada dowladda Itoobiya.

Waxay sidoo kale war-saxaafadeedka ku sheegtay in dagaalka ka soo cusboonaaday gobollada Amxaarada iyo Canfarta, uu khatar ku yahay nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.

“Marka laga soo tago xadgudubyada ka baxsan bani’aadannimada ee kooxda TPLF ay ku kacaysay 27-kii sano oo ay gacanta ku haysay talada dowladda dhexe ee dalka, waxay xanuun iyo dhibaato badan mar kale u geysteen dad badan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka oo lagu daabacay wakaaladda wararka Itoobiya ee ENA.

Dagaalka Waqooyiga Itoobiya oo 22 bil ka hor soo billowday oo muddo 5 bil ah u muuqday mid istaagay ayaa 7 maalin ka hor dib uga billowday xadka ay wadaagaan deegaannada Amxaarada iyo Tigray.

Tan iyo inta uu dalka Itoobiya majaraha u qabtay Abiy Axmed waxaa soo taagnaa khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeyay isaga iyo mas’uuliyiinta sare ee deegaanka Tigray iyo xisbiga talada deegaankaas hayay ee TPLF oo markii dambe 4-tii November 2020-kii gacan-ka-hadal isu beddelay.

Colaadda labada dhinac u dhaxeysa sidii loo soo afjari lahaa waxaa waan waan nabadeed ka dhax waday Midowga Afrika, Mareykanka iyo dalal kale, inkasta oo dadaallada dhinacyadaas ay wadeen ay miro-dhali waayeen.