Tigrayga oo beeniyey inay qabsadeen magaalada Weldiye
Afhayeen u hadlay ciidamada Tigray-ga ee dalka Itoobiya ayaa beeniyay wararka sheegaya in ciidamadoodu ay qabsadeen magaalo ku taalla gobolka ay dariska yihiin ee Axmaarada.
![](https://somaliweyn.org/wp-content/uploads/2022/08/01a10000-0aff-0242-fc4f-08da87fa57ec_w408_r1_s.webp)
Wararkan ayaa soo baxay, kadib Isku dhacyo ka soo cusboonaaday dalka Ethiopia todobaadkii hore ka dib markii ay dagaalo dhexmareen Ciidamada Militariga ee dawladda Ethiopia iyo kuwa Tigray-ga.
Dagaaladan cusub ayaa dib u bilawday iyada oo ay xaaladdu deganayd muddo shan bilood ah.
Habeenimadii Axada ayaa qaar kamid ah warbaahinta caalamiga ahi waxay baahisay in kooxda TPLF ay gudaha u gashay magaalada Weldiya ee gobolka Axmaarada, iyada oo sidoo kalena wararkaas si weyn loogu faafiyey baraha bulshada.
Si kastaba ha ahaatee, wakiil ka tirsan kooxda TPLF ayaa VOA u sheegay in sheegashadaasi ay been abuur tahay, isaga oo sheegay in ciidamada Tigreegu aanay wali soo galin magaalada “Weldiya”.
Ilaa hadda dagaalada dib u soo cusboonaaday ayaa ka socda agaagaarka magaalada Kobo.
Weldiya ayaa illaa 300 oo Kiiloomitir u jirta magaalada Addis Ababa, waana magaalo istaraateji ah oo ay marto waddo isku xidha caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Ababa iyo caasimadda gobolka Tigreega ee Mekelle.