1 min read

Dowladda Sacuudiga oo Soomaaliya ugu deeqday Malaayiin Dollar.

Dowladda Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday in ay Soomaaliya ugu deeqday 13 Milyan oo Dollar, si wax looga qabto Abaaraha baโ€™an ee ka jira qeybo kamid ah dalka.

Bayaan ka soo baxay Xafiiska Boqorka Sacuudiga, Salmaan Binu Cabdulcasiis ayaa waxaa lagu sheegay in la daah furay wajigii labaad ee Gurmadka loo samaynayo Soomaaliya.

โ€œWaxaan daah-furnay wajigii labaad ee gargaarka deg-degga ah si ay uga qayb qaataan daboolidda baahiyaha biniโ€™aadantinimo ee dadka ay saameeyeen abaaraha Soomaaliyaโ€ ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Boqor Salmaan.

Hore Sacuudiga ayaa Soomaaliya ugu deeqay lacag dhan 7.18 milyan, si wax looga qabto Abaaraha ka jira deegaannada Soomaalida.