1 min read

Raila oo weerar ku qaaday guddoomiyaha guddiga doorashada

Khuburada falanqeysa siyaasadda, ayaa sheegay in haatan wixii ka danbeeya la filayo in dacwad loo gudbiyo Makamadda Sare ee Kenya, taasoo daba socota diidmadii guud ee Raila Odinga, ee natiijada madaxtinimada.

Waxey haystaan kooxda Raila illaa iyo isniinta, oo ah toddobo maalmood, kadib markii lagu dhawaaqay natiijada doorashada.

Odinga ayaa hadda ka baxay shirka jaraa’id ee uu ku qabtay magaalada Nairobi, isagoo eedayn kulul u jeediyay guddoomiyaha guddiga doorashada, Wafula Chebukati.

Wuxuu ku eedeeyay inuu doorashada u maamulo sidii kaligii talis iyo caga jugleyn.

“Si loogga fogaado shakiga, waxaan rabaa in aan ku celiyo: Waxaan si buuxda oo aan gabasho lahayn u diidnay natiijadii madaxtinimo ee uu shalay ku dhawaaqay [gudoomiyaha guddiga doorashada] Mr Chebukati,” ayuu yiri Odinga.

Odinga wuxuu sidoo kale ku eedeeyey guddoomiyaha doorashada inuu caga jugleyn ku hayo murashaxiinta doorashada, ee ay is khilaafeen.