3 mins read

Adiguna ila Arag. (Gaalada iyo fikradda ay ka qabaan Nabi Muxamed Cs).

Araar.

Adiguna ila arag, Aragtidaadana igu caawi, waa ogahay in aan ahay Qof Aqoon ahaan liito, iigu Cudurdaar, iguna Caawi Aragtidaada si aan uga Faa’iido, marka aad Akhriso Xogtaan aan soo ururiyay.

Diinta Islaamka, Shareecada, Aqoon yahano Gaalo ah iyo kuwo Somali ah.

● Filasoofkii/ Caalimkii weynaa ee Ingriiska George Bernard Shaw “1856 – 1950” ayaa yiri: ( Mustaqbalka waxaa la arki doonaa Dhakhaatiirta oo Daawa ahaan Bukaanka ugu qoree, Salaadda iyo Soonka Islaamka)( F.S: 1aad)

Dad badan ayaa la yaabanaa waxa uu uga jeedo. Aniguba ma fahmin u jeedadiisa markii aan akhriyay Hadalka Bernard.
Laakin Hadda Laba dhacdo oo aan Akhriyay ayaa i tusinee ula jeedadiisa.

  1. Markii uu Bilaawday Cudurka Covid 19, ayaa qoraal uu sameeyay Edward Cooper oo Mareykan ahaa waxa uu yiri: Haddii aad dareento Cudurka Covid 19, waxaa dhici karto in Xab uu fadhiyo Sanbabkaaga, sidaa daraadeed Foolka dhulka dhig oo isku qaabeey sida Marka Muslimiintu ey Sujuudayaan.( F.S: 2 & 3aad)
  2. Dhakhtarka, Dr. Yoshinori Ohsumi oo u dhashay Dalka Japan kuna takhasusay “Cell Biology” kuna Guuleystay Billadda Nobel Prize sanadkii 2016, ayaa yiri: (si aad uga badbaado Cudura badan oo ku dhaco Unugyada Jirka, kuwaa oo gudbiyo xanuuno badan, Sida Faafidda Jeermiga iyo Duqoowga Unugyada, waa in aad Soontaa Maalin kasta 14 Saacadood Muddo 15 Cisho ama Hal bil ah). ( F.S: 4aad)

Labaadaa Dhacdo markii aan Akhriyay ayaan Dib ugu noqday Hadalkii Bernardo Shaw, kadibna waxaan Goostay in aan kula wadaago.

Gaaladda kale maxey ka yiriheen Rasuulkeena, Muxamed CSW.

  1. Prof. Raw ayaa yiri: ( Qofka kaliya ee Dunida Buuxiyay Sifada saxda ah ee Hogaamiye waa Muxamadkii Islaamka Hogaaminayay). ( Ogow isagu Muslim ma aheyn)
  2. Thomas Carlel oo Ingriis ahaa ayaa yiri: (inta Diin Hogaamiso waxaa u weeynaa Muxamed oo lahaa Sifo Dad lagu amaano tan ugu sareeyso).
  3. Mr. Senerstain oo ahaa Swedish oo Gaal kale ahaa ayaa yiri:( inta aan Taariikhda ka akhriyay, Dambi ayaan ka galnay Moxamed haddii aan la sino Qof kale oo Beni Aadam ah ).
  4. Dr. Hanns oo u dhashay Dalka Switzerland ayaa yiri:( Qof wanaag Tusaale ugu Noqon karo, Muxamed ayaa ka jiro)
  5. Ogow, Jaamacadda UN ee Shaqaalaheeda lagu baro Hogaaminta kuna taal Magaalada Torino -Italy, Bacdamaa Wadama badan ey ka Shaqeynayaan Shaqaalaha UN-ku. waxaa loo dhigaa Buug la yiraa Hogaamintii Moxamed ” Leadership of Mohamed” waxaana u dhigo khubaro ingiriis ah.
  6. Mr.Golle ayaa yiri: ( Haddaan nahay Reer Yurub, Afkaarta aan Dunida keenay, ma gaareeyso tan Moxamed, Mustaqablkana Qof gaaro lama sugaayo).
  7. Suugaan yahankii Caanka ahaa ee Jarmalka Mr. Van Goethe, ayaa yiri:( inta aan ka Akhriyay, Dunida Sharciyada lagu dhaqmo, Weli ma arkin Sharci ka dhameeystiran Shareecadda Islaamka) ( F.S: 4aad)

FG: Maalin Dhaweyd ayaan ku arkay Baraha Bulshada Rag sheeganayo Aqoonyahano Somaliyeed oo wax laga weeydiiyay ku dhaqanka Shareecadda Islaamka oo ku jawaabay: Maya, Maya, ( I would say no) laguma dhaqmi karo iyo mid kale oo leh, Mareykankuba kuma dhaqmo Shareecada, mana ahan in lagu dhaqmo Shareecada.

Aqoonyahanka sidaa lohoow, idhinkuma heeysto Culuunta xirfadeed ee aad ku takhasusteen sida Dhakhtarnimo ama injeneer iwm. ee Ar Hoogayaal, ka Istaaqfuruleeysta, Shareecada wanaageeda ma taqaanide, Diintana si fiican u barta.

F. G: iga sax,Haddii aan ku khaldamay, Aragtideeyda Qoraalka Bilaawga ee Bernardo Shaw ee aheyd, in Dadka Mustaqbalka dhakhaatiirtu ey u qori Doonaan Daawo ah Salaad iyo Soon, waxa uu uga jeeday iyo Labada Dhacdo ee aan arkay kuna fasiray Hadalkiisii, waa sida ey iila muuqatay.

wixii iga khaldan ka sax wixii ka dhimanna ku dar.

Qore: Yahya Amir