1 min read

Madaxwaynaha la doortay ee Kenya William Ruto oo khudbad jeediyay ka dib guushiisa.

Madaxwaynaha la doortay ee dalka Kenya William Ruto oo khudbad jeediyay ayaa u mahadceliyay guddiga doorashada howsha culus ee ay qabteen.

Waxaa uu sidoo kale u mahadceliyay shacabka Kenyanka ee doortay.

“Waa maqribno cajiib ah waxaa ay awood oo dhan u sugnaatay dadka Kenya,” ayuu khudbadiisa ku yiri.

“Waxaan u mahadcelinayaa allihii na soo gaadhsiiyay goobta aan maanta joogno.

Waxaa uu intaa ku daray in ay jirtay saadaal ah in aysan soo gaareyn goobta ay maanta joogaan.