1 min read

Guddiga Doorashada Kenya oo shaaciyay musharaxa ku guuleystay madaxwaynanimada.

Gudoomiyaha guddiga doorashada dalka Kenya Wafula Chibukati ayaa shaaciyay in doorashadii madaxwaynanimada dalka Kenya uu ku guuleystay William Ruto.

Ruto ayaa helay 50.49% codadkii la dhiibtay, sida uu gudoomiyaha sheegay.

Gudoomiyaha ayaa natiijadan shaaciyay xilli ay kala qeybsan yihiin xubnaha guddiga.

Afar xubnood oo guddiga ka tirsan oo ay hogaaminaysay gudoomiya ku xigeenka ayaa sheegay in aysan qeyb ka ahayn natiijada uu gudoomiyaha ku dhawaaqo.

Raila Odinga oo ah musharaxii sida aadka ah ula tartamayay ayaan goobta looga dhawaaqayay natiijada imaanin