1 min read

Somaliland oo lagu eedeeyey isticmaalka awood xad dhaaf ah.

Xarunta xuquuqul-insaanka madax-bannaan ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madax-bannaanida ee Somaliland, ayaa cambaareysay sida xukuumadda Somaliland ay ula dhaqantay dadkii bannaan-baxyada dhigayey 11-kii bishan.

Bannaan-baxyo ay ku dhawaaqeen mucaaradka Somaliland, ayaa sababay in ugu yaraan shan qof ay ku dhintaan kuwo kalana ay ku dhaawacmaan, halka qaar kalana ay booliisku xabsiga dhigeen.

Qoraal ka soo baxay xarunta xuquuqul-insaanka madax-bannaan ee Somaliland, ayaa lagu sheegay in booliisku ay adeegsadeen awood xad dhaaf ah, oo ka dhan ah dadka dibad baxayey, oo ay habbooneyn in loo adeegsado dad rayid ah oo aan hubeysnayn.

Waxay xaruntani dalbatay in xabsiyada laga sii daayo dadka siyaasadda u xiran, ee ay ku jiraan laba weriye oo u shaqeynayay ttalefishin maxalli ah.