1 min read

RW Isra’iil Yair Lapid ‘’Ruuxii dila muwaadin Israa’iil ah ma heli doono meel uu ku dhuunto’’-

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Yair Lapid ayaa digniin ku bixiiyey in qof kasta oo dhibaateeya muwaadiniinta Israa’iil aaanay heli doonin meel ay ku dhuumato.

Hadaladiisa ayaa ka dambeeyey weerar lagu qaaday bus kaas oo ku sugnaa meel aan sidaa uga fogeyn darbiga Galbeed ee ku yaalla magaalada Qudus maanta gelinkii hore .

Siddeed qof ayaa lagu dhaawacay weerarkaa waxaana ku jiray haweeney uur leh .

Nin Falastiini ah aya loo xiray ka dib markii uu isagu isa soo dhiibay .

Boliisku waxay rumeysan yihiin in ninkaas uu keligii ku ahaa falkaasi.