1 min read

Baadariga ugu weyn Katooliga oo ka hadlay abaarta Soomaaliya.

Pope Francis, ayaa maanta oo Axadda sheegay, in dagaalka Ukraine uu weeciyay dareenka dhibaatada gaajada adduunka, wuxuuna dalbaday gargaar cunto oo degdeg ah, si loogga hortago macluusha ka jirta Soomaaliya.

“Dadka dalkan oo markii horeba ku noolaa xaalado aad u adag, ayaa hadda gaarey heer halisa, oo ah inay dhintaan abaarta awgeed,” ayuu ku yiri khudbaddiisa toddobaadlaha ah ee fagaaraha St. Peter’s Square, isagoo ka hadlayay Geeska Afrika.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada iyo Beeraha ee FAO, ayaa sheegtay bishan inay si rasmi ah ugu dhawaaqi doonto macluusha sideed gobol oo katirsan dalka Soomaaliya.

Bisha soo socota, haddii xooluhu dhimashadoodu sii socdaan, qiimaha badeecadaha muhiimkana ah ay sare usii kacaan, halka gargaarka bini’aadantinimo uu noqon waayo sidii la doonayay, markaa dadka way sii nuglayn doontaa abaaraha.

Francis, ayaa u sheegay xujeyda iyo dadkii kale ee dalxiisayaasha ah, ee kusugnaa fagaaraha inuu doonayo inuu dareenka kusoo jeediyo “dhibaatada bini’aadanimo ee ba’an ee ku dhufatay Soomaaliya, iyo qaar kamid ah dalalka xuduudaha la leh.