1 min read

Dad ku dhintay dab ka kacay Kaniisad ku taala dalka Masar.

Ugu yaraan 41 qof ayaa ku dhintay, halka 55 kalena ay ku dhaawacmeen dab ka kacay kaniisad ku taal magaalada Giza ee u dhow Caasimada dalka Masar ee Qaahira.

Wasaaradda caafimaadka Masar ayaa sheegtay in  ay ugu yaraan 55 qof oo dhaawac ah la geeyay  isbitaallada maxalliga ah.

Baaritaano horudhac ah oo ay sameeyeen Ciidanka Ammaanka ayaa lagu oggaaday in dabka uu ka dhashay Koronto.

Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa boggiisa Facebook ku sheegay inuu howlgaliyay dhammaan adeegyada dowladda si dhacdadan loo baaro, loona caawiyo dadkii ay dhibaatadu kasoo gaartay.