1 min read

Ciidamada dowladda oo sheegay inay Al-Shabaab kala wareegeen tuulooyin ka tirsan G/Hiiraan.

Ciidanka Xoogga dalka oo maalmahan ka waday howgallo gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay Al-shabaab ka dileen dagaalameyaal iyo sarkaal, isla markaasna ay ka qabsadeen hub isugu jira kuwa fudud iyo kuwo culus.

Ciidanka oo kaa sanaya Macawiisleyda ayaa howlgalada waxaa ay sheegeen in ay la wareegeen degaananda kala ah Teedaan, Ragso, Xasan Raqay, Sulmo oo dhamantood hoostaga degmada Maxaas ee gobolka hiiraan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen Maxamed Tahliil Biixi (Shariful Arwaax) oo Hogaaminaya Hawlgalka ka soconaya gobolka Hiraan ayaa sheegay in ay dileen dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab oo u ka mid yahay Sarkaal lagu magacaabo Maxamed Wehliye.