1 min read

Ilhaan Cumar oo guul weyn ka gaartay Mareykanka.

Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Koongareeska ee baarlamaanka Maraykanka ayaa codad kooban uga adkaatay Don Samuels oo kula tartamayay doorashada isreereebka ee xisbiga Dimuqraadiga.

Ilhaan Cumar waxay heshay boqolkiiba 50.5 codadkii la dhiibtay halka Don Samuels uu helay 48.2.

Doorashadan ayaa aheyd mid si weyn loo hadal hayay isla markaana lagu tilmaami karo tii ugu adkeyd, sida uu kusoo warramayo weriye Siyaad Saciid Saalax.

Waxay ka dhigan tahay in Ilhaan Cumar ay xisbiga Dimuqraadiga uga qeybgeli doonta doorashada Mareykanka ka dhaceysa bisha November.

Ilhaan ayaa haatan ku fadhidaa kursiga degmada shanaad ee aqalka koongareeska ee Minnesota.

Ilhaan Cumar ayaa barta Twitter-ka ku sheegtay in guusha ay weyn u tahay dadka ku nool degmada ay matash