1 min read

Taariikhda Sadaxda Seefood.

Aniga oo Magaalada Oslo joogo ayaa saaxiibadeey oo degan Magaalada Stavanger waxa ey ii soo direen Ticket Dayaarad, waxaan la soo joogay 24 Saac.

Waxayaabihii aan halkaa ku soo arkay waxaa ka mid ahaa Taalada Saddaxda seefood.( F.S: 1,2 & 3aad).

Maxeey yihiin Saddaxda Seefood?

Wadanka Norway waxaa ka jiray, Hogaamiye Kooxeedyo Maamula Gobalada Dalka, mid waliba waxa uu bedelay Taytalkiisii wakhtigii Vikings. Waxaa uuna la baxay Boqor.
Sida Madaxdii Maamul Gobaledyada Somalidu ey ula bexeen Madaxweynayaal. Wadankii Norawy ayaa kala go’goay. Si Dalka loo mideeyo ayaa Mr. Harold Harfagre waxa uu dagaal ku qaaday Gobaladii oo dhanna gacantuu ku dhigay.


kadibna Sanadkii 872 AD ayuu isagu keenay barxadda “Hafrs fjord” waxa uuna ka dhigay hal Dowlad iyo Gobalo leh Maamul hoosaad u gaar ah oo Madax banaan oo aan ka hor imaan karin Dowlada dhexe. Sidaa ayaa Norway ku horuumartay.

Waxaa la qaatay Mabda’a ( Peace, Freedom and Unity) Nabad, Xuriyad iyo Midnimo. Waxa halkii lagu shiray laga dhisay Taalada loo yaqaan “Sverd i Fjeĺl” oo ah “Seefihii Dhagaxa ku dhax jiray”. Seefahaa oo dhererkoodu dhanyahay 10 meter kana sameeysan Macdanta Naxaasta. Waana halkii uu ku dhamaaday Dagaalka sokeeye.( F.S: 4 & 5aad).

FG: Ma laga yaabaa in Somaliya laga helo Hal hogaamiye oo mideeyo Maamulada Somalida, keenana Nabad, Xuriyada iyo Midnimo. Qoryaha AK 47-na meel ku wada ururiyo, dhisana Taalo Saddax AK 47 ah, halkaana dagaal Sokeeye uu ku dhamaado.

Maxaad kuu diidee Alhristoow, Adiguba waad noqon kartaa, Qofkaa Mideeyaha ah.

Qore: Yahya Amir