1 min read

Halkee ayay kala marayaan Raila Odinga iyo William Ruto?

Natiijooyinka horudhaca ah waxay muujinayaan in si weyn ay doorashada madaxweynaha ugu tartamayaan Madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto iyo Ra’iisul Wasaarihii hore, Raila Odinga.

Waxaa weli socotaa tirinta codadkii doorashada shaley ka dhacday Kenya.

Natiijooyinka horudhac ah waxay muujinayaan in codad yar ay kala horreeyaan labada musharrax.

Si kastaba, shaacinta natiijada waxay qaadan kartaa maalmo dhowr ah.

Guddiga doorashooyinka Kenya ayaa sheegay in 60% dadka isu diiwaangeliyay doorashada ay shalay codkooda dhiibteen, taasoo ah tiro hoosaysa marka loo eego doorashooyinkii hore.

Doorashadan oo si nabad ah uga dhacday Kenya waxaa harreeyay cilado farsamo oo ku yimid qalabka codeynta deegaannada qaar iyadoo xitaa qaarkood ay soo saari waayeen xogta codbixiyeyaasha.

BBC-da waxay sameysay bog gaar ah oo mar kasta isbaddalayo oo ku saabsan halka ay mareyso natiijada doorashada madaxtinimada ee Kenya.

Halkan kala soco: Halkan toos ugala soco natiijooyinka doorashada Kenya