1 min read

Maanta Tiirwayn baa caalamka ka baxay

” إن لله ما أخذ وله ما أعطى وكل شيء عنده بأجل مسمى… فلتصبر ولتحتسب”

Raxmadiisa iyo Raali ahaanshahiisa Allaha siiyo Al Caalim Habiib Abuubakar Almashhuur oo ahaa caalim wayn oo xarun aheed yemen , waxuuna ahaa Sheikh wayn oo si aan la qiyaasi karin ugu qidmeeyay diinta islaamka , waxuuna ahaa ruux si gaar ah u garab istaagay walaalahii soomaaliyeed ee yemen ku noqday qaxooti ama u doontay waxbarashada isagoo siiyay guryo , cunto iyo waxbarasho lacag la aan ah .

Waxuu ka mid ahaa tiirarkii cuslaa ee culimada muslimiimta samankaan la tirsanayay, waxaana aad u jeclaa anoo arag , waxaana ku xirnaa bageskiisa facebook oo aan ka heli jiray muxadaarooyin qiima badan iyo howlaha sheikha ummaddu u hayo .

Xaqiiqdii waa geeri xanuun leh , waxaadna mooda in ahlu beydhkii Nabiga scw ragii waa waynaa ee samankaan ee yemen daganaa in si wayn noo faarujiyeen , rabbi naxariistiisa hasiiyo Sheikheenii Xabiib Abuubakar.