1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Dilka Guddoomiyihii degmada Marka.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud geerida Guddoomiyihii Degmada Marka Marxuum Cabdullaahi Cali Axmed oo ku dhintay qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay magaaladaasi.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida Alle ha u naxariistee Guddoomiye Cabdullaahi Cali Axmed oo ahaa muwaaddin naftiisa iyo nolashiisaba u huray dowladnimada iyo horumarka dalka. Alle waxaan uga baryayaa marxuumka iyo dhammaan muwaadiniinta ku shahiiday qaraxan in uu fadhigooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoysaskooda iyo shacabka Soomaaliyeed.” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdiisa ka go’an tahay inay sii wado dagaalka ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab.

Weerarka qaraxa ee lagu dilay Guddoomiyihii Marka, Cabdullaahi Cali Axmed waxaa sheegtay Al-shabaab, sida lagu sheegay war ka soo baxay.