1 min read

Gabdho ay Boko Haram afduubatay 8 sano ka hor oo la soo helay iyagoo carruur heysta.

Ciidamada dalka Nigeria ayaa sheegay inay heleen laba gabdhood oo kooxda Boko Haram ay ka af duubteen dugsi sare muddo hadda laga joogo in ka badan sideed sano.

Waxay ahayd sanadkii 2014-kii, markii kooxdaasi islaamiga ah ku dhawaad 300 oo gabdhood ka qafaasheen magaalada Chibok ee Waqooyi Bari dalka Nigeria.

Tan iyo xiligaas, inta badan dhibanayaashaasi ayaa la soo daayay, qaarkoodna way soo baxsadeen balse weli tobaneeyo ayaa la la’ayahay meel ay jaan iyo cirib dhigeen.

Labada gabdhood ee haatan la soo helay ayaa waxay wataan carruur, waxayna u muuqataa inay uur qaadeen intii ay gacanta ugu jireen kooxdaasi.