1 min read

Neymar Jr oo qarka u saaran in xabsi loo taxaabo bil kahor koobka adduunka.

Muddo sagaal sano ah kaddib markii uu Naymar uu Brazil kaga soo biiray Barcelona, waxaa uu haatan wajahayaa eedeymo la xiriira wax is daba marino ku gedaaman suuqa kala iibsiga.

Xiddigan ree Brazil oo haatan u dheela kooxda Paris Saint-Germain, ayaa lagu heystaa eedeymo la xiriira khiyaano iyo musuq-maasuq.

Maxkamadeyntiisa ayaa lagu wadaa inay bilaabato 17-da bisha Oktoobar, markaas oo ay hal bil ka harsantahay tartanka koobka adduunka oo lagu qaban doono dalka Qadar.

Dhowr ciyaartoy oo kale ayaa sidookale lagu wadaa in la soo taago maxkamad.