11 mins read

Danjirihii ajnabiga ahaa ee la dilay isagoo taageeraya xornimada Soomaaliya.

Soomaaliya waxa ay qeyb ka ahayd dalalkii qaddiyadda masiirkooda lasoo saaray miiskii lagu gorfeynayay sidii laga yeeli lahaa waddamadii ay gumeysanayeen xulafadii looga adkaaday dagaalkii labaad ee dunida.

Jimciyadda Quruumaha ka dhexeysa oo ay hor boodayeen huwantii adkaatay ayaa dadaal badan ku bixisay sidii xorriyaddooda loo siin lahaa dalalkaas, isla jeerkaasna looga caawin lahaa hannaanka dowladowga iyo barashada dowladnimada.

Markii dambe Golaha Ammaanka ee Qaramada midoobay ayaa soo saaray qaraar ku asteysnaa lambar 289, taariikhdu markii ay ahayd  21 kii Nofeembar 1949-kii, kaas oo Taliyaaniga u go’aamiyay in uu maamulo muddo toban sano ah Koonfurta Soomaaliya si uu u gaarsiiyo dowladnimo.

Dhanka kale, waxaa loo soo magacaabay saddex ergay oo ka kala socday dalalka Masar, Kolombiya iyo Filibbiin, kuwaas oo kor joogto ka ahaa maxmiyadda la geliyay Soomaaliya, sidaas oo kalena Golaha Ammaanka kala shaqeynayay in ay uga warbixiyaan hadba xaalku halka uu marayo.

Ergada lasoo magacaabay waxaa ka mid ahaa Alle ha u naxariistee Ambasaddoor Maxamed Kamaaluddiin Saalax oo ahaa diblomaasi dhallinyaro ah oo u dhashay dalka Masar. Horay waxaa uu uga soo shaqeeyay magaalada Marsiiliya ee dalka Faransiiska, halka jagooyin kala duwan uu kasoo qabtay safaaradihii kala duwanaa ee ay Masar ku lahayd dunida dacalladeeda.

“Ambaasadoor Maxamed Kamaluddiin Saalax waxaa uu ahaa diblomaasi Masaari ah oo firfircoon. Waxa uu doonayay in ay Soomaaliya si degdeg ah xorriyad dowladeed ku hesho. Sidaas oo kale Soomaalida waxaa ay u dhararsanaayeen inay maalin uun arkaan iyagoo ah dowlad xor ah isla markaana dad Soomaaliyeed ay hoggaaminayaan.

“Waxaa uu Soomaalida u hayay daneyn iyo ahmiyad ka badan labadii ergay ee ku wehelisay shaqada ee ka kala socday Kolombiya iyo Filibbiin. Dowladdiisa Masar ayaa kula dardaarantay inuu Soomaalida kala shaqeeyo hadafkoodii ahaa sidii ay xor u noqon lahaayeen, dowladna u yagleeli lahaayeen.” Prof Maxamed Xaaji Ingiriis oo daraasaadka Afrika ka diyaariyay kulliyadda taariikhda ee jaamacadda Oxford.

Masar iyo Ahmiyadda ay u heysay Soomaaliya!

Maaddaama Kolombiya iyo Filibbiin aysan calaaqaad toos ah oo dhaqan, diin ama mid siyaasi ah aysan la lahayn bulshada Soomaalida, dowladda Masar iyo ergeygooda Maxamed Kamaaluddiin Salaax waxa ay masuuliyad gaar ah iska saareen sidii ay saameyn xooggan ugu lahaan lahaayeen siyaasadda Soomaaliya, maaddaama door wanaagsan ay ka ciyaarayeen yagleelidda Qaranni

mada Soomaaliya oo carbinteedu lahaa isticmaarkii Taliyaaniga.

Kacaankii Masar ka curtay ee uu hoggaaminayay Allaha u naxariistee Jamaal Cabdinaasir waxaa uu lahaa aragti fog oo ku wajahan guud ahaan Afrika si gaar ah gobolka Geeska Afrika iyo biyaha Badda Cas, si hadafkaas u hirgalo waxaa uu Soomaaliya ka yagleellay Iskuulaad Masaaridu maamusho oo uu ugu horreeyay iskuulkii Allaahida ama markii dambe loogu magac daray Jamaal Cabdinaasir.

Arday badan ayaa minxooyin waxbarasho Qaahira u tagay. Xubno sar sare oo xisbigii SYL ka tirsanaa ayaa iyana Jaamacadaha Masar qabtay. Halka wadaaddo badan ay u aqoon doonteen jaamacadda Azhar. Muddooyinkaas waxaa isku furmay labada bulsho. Xaaladdaas is calmashada ah ee Masaarida iyo Soomaalida waxa ay culeys badan saartay dowladdii Taliyaaniga oo u arkaysay is fidinta Qaahir in ay halis ku tahay damaceeda Soomaaliya, taas waxa ay keentay in uu bilowdo xurguf iyo dagaal biyaha hoostiisa ah oo labada dhinac ah illaa fadhi ku dirirrada uu gaaray.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Masar Abdel Fattah Al-Sisi

Masar ayaa soo bandhigtay qorshe ay safaarad uga furaneyso magaalada Muqdisho, waxa ayna kala hadleen qaddiyaddaas Ra’iisul wasaarihii dowladdii Daakhiliga ahayd mudane Cabdullahi Ciise Maxamud oo isna markii dambe soo dhaweeyay, ha yeeshee waxaa is hor istaagay dowladdii Taliyaaniga oo ka biya diidday in aysan oggolaan karin in dal Maxmiyad ku jira oo aan la aqoonsan in safaarad laga sameeyo. Is hor istaaggan waxaa uu dab ku shidday is heysadka hoose ee ka dhexeeyay labada dal.

Markale Prof Ingiriis ayaan hor dhigay hadafka Masar ay Soomaaliya ka lahayd iyo doorkii uu ka qaatay hirgelinteeda Ambasaddoor Maxamed Kamaaluddiin Salaax wuxuuna iigu jawaabay.

Ujeedka Masar waxaa uu ahaa in la helo Soomaaliya oo dal xor ah, ayna iska kaashadaan loollanka istaraatiijiga ee ka jiray Geeska Afrika iyo Badda Cas. Isagoo dardaarankaas fulinaya Ambasaddoorku waxa uu siyaasiyiintii Soomaalida ula dhaqmay sida walaalkood ka weyn oo kale, isagoo mideeyay iskuna soo dhaweeyay dhinacyadii siyaasadeed ee awoodda dalka ku loollamayay, si gaar ah waxaa uu ku guuleystay inuu dhammeeyo khilaafaadkii siyaasiga ahaa ee S.Y.L. dhexdeeda ka soo if-baxay kontomeeyadii.

“Intaas waxaa dheer in uu biyo qaboow ku shubay herdannadii S.Y.L. kala dhexeeyay xisbiyadii kale ee dalka ka jiray. Arrintaas waxaa uu ku kasbaday sumcad weyn iyo taageero aad u ballaaran, quluubta shacabka Soomaaliyeed ayuuna muddo yar ku hantay.”

Dilkiisa

Nin dhallinyaro ah oo ay magaciisa ay taariikhyahannadu ku sheegaan Wiilow Sheekh Cabdiraxmaan oo ku hubeysnaa toorrey ayaa gurigiisa ku weeraray Ambaasaddoor Maxamed Kamaaluddiin Saalax. Dhowr yed ayuu la helay, dhaawac daran ayaana gaaray. Durba dhulka ayuu ku dhacay oo naftaa ka haadday.

Warkii ayaa is gaar gaaray magaalada oo dhan. Waxaa xigay cambaareyn iyo dhaleeceyn dhanka maamulkii Soomaalida ka yimid. Baaritaan ayaa loo dhaqaaqay. Sidii meydka safiirka loo maareyn lahaa ayaa la isla meel dhigay.

Masaari Salaad tukaneysa

Maalinkii ku xigay ee 17 kii Abriil ayaa xaruntii hore ee Baarlamaanka janaaso lagula tukaday meydka marxuumka, kaddib wefdi heer wasiir ah oo ka socday Soomaaliya ayaa u galbiyay dhanka Qaahira. Saacado dheer oo safar ah kaddib waxaa garoonka diyaaradaha Qaahira isna janaaso kula tukaday madaxweynihii dalka Masar Jamaal Cabdinaasir, kaas oo ku dheeraaday ka sheekeynta shakhsiyadda Ambaasaddoor Maxamed Kamaaluddiin Saalax.

Ereyadii qiirada lahaa ee uu madaxweyne Jamaal Cabdinaasir ka yiri goobta waxaa ka mid ahaa: “Masar waxa ay heysaa 27 milyan oo sida Maxamed Kamaaluddiin ah, kuwaas oo diyaar u ah in ay naftooda u waayaan xorriyadda walaalahooda Soomaaliya ee ku jira heeryada gumeystaha.”

Cinwaannadii ugu waa weynaa ee maalinkaas lagu qoray warbaahinta!

Subixii xigay waxaa caddadka hore ee wargeyskii Corriere della Somalia oo ka mid ahaa warsideyaasha ugu saameynta badan ee kasoo baxa Muqdisho lagu daabacay warka dilka safiirka: “Dadka Reer Muqdisho oo la anfariiray geerida ergeygii reer Masar Maxamed Kamaaluddiin Saalax.” Dhacdadan ayaa ahayd tii ugu horreysay ee nooceeda ah, taas oo si siman u wada taabatay guud ahaan dadka reer Muqdisho, kuwaas oo u arkayay Kamaaluddiin in uu si baraxtiran u gala shaqeynayay hiigsigooda xornimo-helidda ah.

Caddadkii xigay ee isla wargeyska oo soo baxay subaxnimadii 18-ka Abriil waxaa lagu qoray “Naxashka meydka Ambaasaddoor Kamaaluddiin oo ay sidaan shacab mooral dilaacsan ayaa lagula tukaday guriga Baarlamaanka”

Kaddib Dilka Ambaasadoor-ka

Kulankii ugu horreeyay ee uu baarlamaanka Soomaaliya yeesho kaddib dilkii safiirka waxaa uu dhacay 30-kii Abriil 1957-kii. Guddoomiyihii baarlamaanka Soomaalia Aadan Cabdulle Cismaan ayaa ka jeediyay guriga baarlamaankii hore khudbad badankeedu daarnayd duco, baroordiiq iyo weyneynta Danjire Maxamed Kamaaluddiin. Gabagabada kulanka baarlamaanka, waxaa loo asteeyay in 16-ka Abriil sanad kasta loo baroor-diiqo, lana xuso doorkii uu xorriyadda Soomaaliya raadinteeda ka qaatay danjiraha.

Muqdisho iyo xilligii gumeysiga

Intaas waxaa dheer, waxaa la qorsheeyay in waddo loogu magac daro Kamaaluddiin, si loo weyneeyo qaddarka danjirahaas nafsaddiisa u waayay xorriyadda Soomaaliya.

Labo sano kaddib xorriyaddii Soomaaliya oo ku beegneyd 1962-kii, kuna asteysan shan sano guuradii kasoo wareegatay dilkii safiirka, madaxweynihii hore ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan ayaa ku casuumay magaalada Muqdisho Aamina Murad oo ahayd xaaska Maxamed Kamaaluddiin Sa¬¬alax si ay uga qeybgasho xuska iyo baroordiiqda seygeeda lagu tooryeeyay magaalada Muqdisho.

Sidaas ayaa loogu xusayay maalinka 16-ka Abriil ilaa 21-kii Oktoobar sanadkii 1969, markaas oo ay talada dalka la wareegeen ciidanka qalabka-sida oo uu hoggaaminayay Alle ha u naxariistee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre iyo kacaankiisii.

Yaa lagu eedeeyay dilka Safiirka?

Inkastoo baaritaannadii la sameeyay aan natiijo dhammeystiran laga soo saarin, isla jeerkaasna aan la caddeyn cid dhaafsiisan ninka dhallinyarada ah ee dilka fuliyay, haddana Prof Maxamed Xaaji Ingiriis waxaa uu qabaa in dilka safiirka uu wejiyo badnaa oo dhowr dhinac loo tuur tuuray.

Sida uu kal horaba Alle ha u naxariistee madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed ku sheegay buuggiisa xusuus-qorka ah ee Halgan iyo Hagardaamo “Illaa maanta ma cadda cidda dhabta ah ee ka dambeysay dilkiisa, waxaase la male-awaalayaa labo arrimood.

Dhanka S.Y.L. waxa ay rumeysnaayeen in uu safiirka dilay maamulkii Talyaaniga, iyagoo ku doodayay inuu caqabad ku ahaa hadafka dheer ee ay Rooma ka lahayd Soomaalida. Dhanka kale xisbiyadii ka soo horjeeday S.Y.L. ayaa dhankooda ku tuhunsanaa in qeyb careysan oo S.Y.L. ka tirsan inay dileen safiirka iyagoo ka gadoodsan sida qotada dheer ee uu safiirka ula falgalay hoggaankii ururka oo ay markaas is-hayeen garabkan careysan,” Ingiriis.

Sheegashada S.Y.L. ee ah in ay Taliyaaniga ku tuhmayaan waxaa sii xoojinaya lix maalmood uun kaddib dilkii safiirka oo ku beegan 22-kii Abriil 1957-kii, wargeyska Al-Shacab ee kasoo baxa magaalada Qaahira oo soo xiganayay wakiilkii golaha wasiirrada Masar, Maxamuud Maxamed Axmed iyo xoghayihii baarlamaanka Soomaaliya, Maxamuud Faarax ayaa baaritaanno hordhac ah ku xaqiijiyay in dilka safiirka uu ahaa mid qorsheysan, islamarkaana ay ka dambeeyaan isticmaarka. Inkastoo aysan si cad ugu eedeyn dowladdii Taliyaaniga oo tuhunka ugu badan laga qabay, haddana waxaa ay caro iyo cambaarba dusha kaga tuureen cid kasta oo si uun ugu lug lahayd dilkiisa.

Isku tuur tuurka noocaas ah ka sokow, ururkii ardayda Soomaaliyeed ee Masar ayaa iyagana dareenkooda cabbiray oo Qaramada Midoobay ka codsaday in ay xaqiijiso in dilka safiirka uu si uun siyaasad ugu lug lahaa.

Inkastoo dadaalladii baaritaanka aanan natiijo dhammeystiran laga helin, haddana waxaa jira tuhun kale oo dad badan ay iyagana qabeen, kaas oo ahaa in boqortooyadii Itoobiya ay si uun qeyb ugu lahayd dilka safiirka, maaddaama uu siyaasiyiinta Soomaalida ah kala shaqeynayay arrimo ay ku jiraan doodda xudduudaha, iyo qaddiyadda Soomaaliweyn, oo ay Itoobiya u arkeysay halis kusoo fool leh sheegashadeeda dhulka Soomaalida.

Cawaaqib-xumadii ka dhalatay dilkiisa si dhaqsi leh ayaa loo dareemay. Muddo yar gudaheeda ayaa waxaa dib u soo shaacbaxay khilaafkii siyaasadeed iyo loollankii awoodeed ee ka dhex jiray S.Y.L. ee uu horay u qaboojiyay, kaas oo ugu dambeyn gacan-ka-hadal isku rogay. Sidaas oo kale wuxuu khilaafkooda cirka isku shareerray xisbiyadii dalka ka jiray iyo xisbigii S.Y.L. taas oo kalliftay dib-u-gocashada dadaalladii iyo kaalintii diblomaasiyadeed ee Ambaasaddoor Maxamed Kamaaluddiin Saalax.

Ku dhawaad 65 sano kaddib dilka Ambaasaddoor Maxamed Kamaaluddiin Saalax, weli waxaa muuqda haraadiga gurigii uu deggenaa danjiraha ee lagu dhex dilay, kaas oo ku yaalla degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir. Dad badan oo xiiseeya taariikhda ayaa soo jeediyay in la badbaadiyo haraadiga gurigaas si loogu xusuusto halgankii uu safiirku u soo galay qarannimada Soomaaliya.

W/Q: Cabdiwahaab Axmed Cali – Qoraa madaxbannaan