1 min read

Wax ka ogow deynta lagu leeeyahay dalka Itoobiya.

Deymaha waddamada iyo hay’adaha caalamiga ee deynta bixiya ay ku leeyihiin Itoobiya ayaa sii badaneysa.

Bangiga Adduunka warbixin uu sanadkan 2022-ka soo saaray wuxuu ku sheegay Itoobiya in lagu leeyahay deyn gaareysa 56.6 balyan oo doolar.

Lacagta deynta oo Itoobiya lagu leeyahay oo u dhiganta kala bar waxsoosaarka dalkaasi ee sanadka.

Waddamada deymaha ugu badan ku leh Itoobiya waxaa ugu horreeya Shiinaha iyo Faransiiska.

Kulan looga hadli lahaa deynta dalkaasi lagu leeyahay sidi looga khafiifin lahaa oo loo ballansanaa waxaa saameeyey dagaalkii ka qarxay waqooyi dalkaasi.

Hay’adda lacagta adduunka ee IMF waxay sheegtay iney ka shaqeyneyso waddamada Afrika oo deymaha ugu badan lagu leeyahay oo ay ka mid yihiin Itoobiya, Chad iyo Zambia sidii deymaha lagu leeyahay wax looga dhaafi lahaa.

Bangiga Adduunka wuxuu sheegay 40% waddamada Saxaraha Afrika ka hooseeya iney deyn la ciirciirayaan, rajada ay isaga bixin karaanna ay aad u yartahay.