1 min read

Itoobiya: “Waxaan qabqabannay kooxo falal argagixiso ka fulin rabay caasimadda Addis Ababa”.

Guddiga iskudhafka ee u xilsaaran amniga dalka Itoobiya ayaa sheegay iney qabqabteen dad ka badan 450 oo qorsheynayey iney falal argagixiso ay ka fuliyaan caasimadda Addis Ababa.

Guddiga oo warmurtiyeed ay kaga warbixinayeen xaaladda amni ee dalka Itoobiya maanta oo Sabti ah soo saaray waxay sheegeen dadkan ay laamaha amnigu gaacanta ku dhigeen iney isugu jiraan xubno ka tirsan TPLF, Al-Shabaab, OLF, Daacish iyo Fano.

Warmurtiyeedka oo faahfaahin ka bixiyey dadkaasi iyo waxa kala yihiin ayaa sheegay iney isugu jiraan 174 ka tirsan fallagada TPLF, 98 jabhadda OLF ka tirsan, 51 ka tirsan kooxda hubeysan ee Faanno, iyo 31 xubnood oo ka tirsan ururrada Al-shabaab iyo Daacish, tiradooda guudna ay tahay 454 qof.

Guddiga waxaa kale uu sheegay shaqaaqadi bishii hore ka dhacday magaalooyinka Gibmii, Gambella iyo Dambii-dolo iney mas’uul ka ahaayeen fallaagada TPLF iyo Jabhadaha GLF iyo GPDN ee gudaha dalka Itoobiya ka dagaallama.

Rabshado hubeysan oo bilooyinki u dambeeyey ka dhacay gudaha dalka Itoobiya waxaa lagu dilay boqollaal qof oo isugu jira dad rayad ah iyo xubnihi hubeysnaa ee dagaallamayey.