1 min read

QM oo si kulul u cambaareysay duqeynta Ruushka uu u geystay Odesa.

Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay Antonio Guterres ayaa si weyn u cambaareeyey duqeynta Ruuhska, wuxuuna ku baaqay in la dhaqan geliyo heshiiski hadhuudhka ee ay wada gaareen Ruushka, Ukrain iyo Turkiga lagama maarmaan ay tahay.

Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell ayaa sheegay in bartilmaameedka muhiimka ah ee dhoofinta hadhuudhka ay mar kale muujisay sida uu Ruushku u ixtiraami waayay sharciga caalamiga ah iyo ballanqaadyada.

Ruushka ayaan wax hadal ah ka soo saarin weerarkaasi, halka Safiirka Mareykanka ee Ukraine uu weerarkaasi ku tilmaamay wax laga xumaado.