1 min read

Wefdi ka socda DFS gaaray Ceelbarde, kuna wajahan deegaannada ay Weerareen Al-Shabaab.

Wefdi ka socda Dowladda Federaalka ayaa booqasho ku tagey degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool, iyaga oo booqasho ku tagi doono deegaannada xuduuda Itoobiya ee ay dhowaan soo warareen dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab .

Xubnaha oo hoggaaminayo talyaha Ciidamada Xoogga, Gen Odowa Yuusuf Raage ayaa waxaa qeyb ka ah Wasiiro, Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Wefdiga ayaa lagu wadaa in ay kormeer ku tagaan deegaannada Yeed, Aato, iyo Washaqo oo ku kala yaalla Gobolka Bakool iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida, iyaga oo kulama la yeelan doona Saraakiisha Ciidanka iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Al-shabaab ayaa weerar saacado badan socday ku qaaday deegaanno ku yaalla xuduudka Itoobiya, halkaasi oo ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac kala duwan.