1 min read

Wararkii ugu Dambeeyay Dagaal ka socda deegaanno ku yaalla xadka Itoobiya.

Dagaalameyaasha Al-shabaab ayaa weerar dhowr jiho ah ku qaaday deegaannada Yeed iyo Aato oo dhaca Waqooyiga Gobolka Bakool iyo xadka la wadaago Dowlad deegaanka Soomaalida.

Al-shabaab ayaa weeraray xeryo ay Ciidamada Xoogga dalka iyo Ciidamada Liyuu Booliis ee hoos yimaada dowlad deegaanka ku leeyihiin Yeed iyo Aato, waxaa ilaa hadda la soo warinaya in la maqlayo rasaas culus.

Is-gaarsiinta oo go’an darteed, ilaa hadda lama oga inta uu la egyahay khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalka.

War ka soo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in ay la wareegeen gacan ku haynta deegaannada Yeed iyo Aato.

Maamulada Koofur Galbeed iyo Dowlad deegaanka ayaa weli ka hadlin dagaalka ka dhacay Yeed iyo Aato.