1 min read

Golaha Ammaanka & Nabadda ee Midowga Afrika oo DFS u sameeyay Balanqaad, garab iyo Taageero Buuxda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta shir-guddoomiyey shir looga hadlayay iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Afrika ee ammmaanka dalka, isaga oo la qaatay wakiillo ka socday Golaha Ammaanka iyo Nabadda Midowga Afrika kuwaas oo soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Ugu horreyn Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan ka jeediyay qudban ayaa uga mahadceliyey Midowga Afrika naf-hurnimada ay sameeyeen ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay “in ay Soomaaliya isu diyaarinayso guluf weyn oo ka dhan ah kooxaha argagaxisada, si loo furo waddooyinka muhiimka u ah gargaarka iyo isu-socodka, isagoo dalbaday isku-xirnaan iyo wadajir dhinaca hawlgallada ah.” Ayaa lagu sii yiri qoraalka ka soo baxay kulanka.

Sidoo kale qoraalka ka soo baxay Shirka u dhaxeeyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wakiillada ka socda Golaha Ammaanka iyo Nabadda Midowga Afrika ayaa Ra’iisul Wasaare Xamse waxa uu xusay in dib-habayn lagu samaynayo maaliyadda dalka, si looga hortago maalgelinta argagaxisada.

Ugu dambeyn Safiirka Dowladda Jabuuti u fadhiya Addis Ababa, Cabdi Maxamuud Heybe, oo hoggaaminayay xubnaha ka socday Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika, ayaa sheegay in ay la garab taagan yihiin xukuumadda iyo shacabka Soomaaliyeed taageero buuxda.