1 min read

Dal Muslim ah oo mamnuucaya dhaqashada Bisadaha iyo Eeyda.

Booliiska Caasimada Iran ee Tehraan, ayaa dhawaan ku dhawaaqay in Eeyda dhex socota magaalada aan la oggolayn ayna “dambi” tahay qofkii lagu arko isagoo magaalada la dhex maraya.

Xayiraaddan ayaa lagu dhawaaqay iyadoo la sheegay in ay faa’ido u leedahay dadweynaha.

Baarlamaanka Iiraan ayaa dhawaan lagu wadaa in ay ansixiyaan sharci mamnuucaya dhaqashada xayawaannada qaar sida Eeyda iyo Bisadaha.

Meel marinta sharcigan ka dib ayaa waxaa dambi noqon doona in guryaha lagu dhaqdo xayawaannada qaar sida Bisadaha iyo Eeyda.