1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho rasmi ah uga bilaabatay Jabuuti

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo safar ku maraya dalalka gobolka ayaa gaaray dalka Jabuuti, halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa sii diirran loogu soo dhaweeyey Garoonka diyaaradaha ee Ambouli magaaladaJabuuti.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti soo dhaweynta diirran iyo martiqaadka heerka sare ah ee ay ku maamuuseen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna tilmaamay in booqashadan ay bilow wanaagsan u tahay sidii loo wanaajin lahaa xiriirka labada dal, loona adkeyn lahaa xiriirka walaalnimo ee ka dhaxeya labada shacab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulan la qaadan doona dhiggiisa Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, halkaas oo ay uga wada hadli doonaan arrimo door ah oo labada dal khuseeya.