1 min read

Koox hubaysan oo Gaalkacyo ku dilay madaxii Hay’adda Socdaalka Soomaaliya ee gobalka Mudug.

Allah unaxariistee kooxo hubaysan oo aan la aqoon heeyntooda ayaa Cilmi Cali Guuleed waxa ay ku toogteen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudu gaar ahaan dhinaca maamulka Puntland.

Marxuumka la dilay ayaa ahaa madaxa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ee gobalka Mudug, waxaana uu u geeriyooday Mas’uulka dhaawac ka soo gaaray madaxa, kaddib markii ay toogteen koox hubeysan aan haybtooda la aqoon.

Ilaa iyo hada macadda sababta loo dilay iyo cida ka danbeeysaay dilka marxuum cilmi Cali Guuleed.

Dhanka kale waxaa isna magaalada Gaalkacyo lagu dilay Cirro Xaaji Cali oo ka mid ahaa dhalinyarada magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dilka ayaa yimid kadib markii sida la sheegay marxuumka ay haleeshay rasaas ay fureen ciidamo howlgal ku jiray kuwaa oo sameeynayay howlgallo ka dhan ah waxyaabaha maanka Dooriya iyo falalka lifiga ku ah amniga.

Waxaa xusid mudan in wali aysan wax wara kasoo saarin Laamaha amniga maamulka Puntland dilka iyo dhaawaca ka dhacay magaalada Gaalkacyo