1 min read

Maraykanka oo Suuriya ku dilay hoggaamiye ka tirsan Daacish.

Milateriga Maraykanka ayaa sheegay in ay dileen mid ka mid ah hogaamiyayaasha kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalka Suuriya, kadib duqeyn diyaaradeed.

Bayaan la soo saaray ayaa lagu sheegay in Maher al-Agal uu ka mid ahaa shanta hoggaamiye ee ugu sarreeya xagjiriinta adduunka oo dhan, wuxuuna si xad dhaaf ah u baadi goobayay horumarinta shabakadaha Daacish ee ka baxsan Bariga Dhexe.

Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa sheegay in aysan jirin dad rayid ah oo wax ku noqday howlgalka ka dhacay agagaarka Jindayrus ee waqooyi-gagalbeed ee Suuriya.

Afhayeenka ayaa ballan qaaday inay sii wadi doonaan ka hortagga khataraha ka dhanka ah amniga gobolka. Weerarkan oo dhacay maanta oo Talaadada ah ayaa ku soo beegmaya shan bilood ka dib markii hogaamiyaha daacish- Abu Ibrahim al-Hashimi al-Qurayshi – uu isku qarxiyay weerar ay ciidamada gaarka ah ee Maraykanka ka fuliyeen gobolka Idlib.