1 min read

Wafdigii Madaxweyne Xassan Sheekh oo dalka dib ugu soo noqday.

Madaxweynaha Somalia Xassan Shiikh Maxamuud oo maalmihii lasoo dhaafay kusugnaa dalka Eratrea  ayaa soo gabagabeeyay socdaal uu kugaaray  waddanka Eratrea .

Madaxweyne xassan sheikh  ayaa heshiis is afagarad ah lasaxiixday dhigiisa madaxweynaha Eratrea Isaias Afwerki heshiiskaas oo taabanaya dhinacyo badan oo khuseeya danaha labada dowladd.

Heshiiskan oo si rasmi ah loo shaaciyay waxaa kamid ah qodobada ay isku afgarteen labada hogaamiye.

=in ladhiirageliyo xiriirka labada dal iyo dadka konool.

=in llaxoojiyo iskaashiga dhinacyada siyaasadda iyo xiriirka diplomaasiyadda si horumar looga gaaro danaha qaran ee labada dowladood.

=in labada dowladood ay sameeyaan iskaashi xoog leh oo dhinaca dhaqaalaha   iyo arrimaha bulshada ah kaasi oo ka kooban  maalgelinta ganacsiga,si gaar ah arrimaha  beeraha,kalluunka,caafimaadka iyo waxbarashada.