1 min read

Dibadbaxayaasha Siri Lanka oo hadda gudaha ugalay guriga Ra’iisul Wasaaraha.

Dibad-baxayaasha Siri Lanka ayaa hadda galay guriga rasmiga ah ee uu degan yahay Ra’iisul Wasaare Ranil Wickremesinghe, kaasoo hadda aqbalay inuu iscasilo.

Muuqaalo la soo bandhigay ayaa muujinaya dad mudaaharaadaya oo sariiro dul saaran oo iska qaadaya sawirro Selfie ah oo ay ku fadhiyaan alaabta guriga, halka boqolaal ay ku dhawaaqayeen “waxaan leenahay hadda tag” oo calanka Sri Lanka lulaya afaafka hore ee guriga.

Raysul wasaaraha ayaa la sheegay in uu doonayo in uu iscasilo si dadka loo badbaadiyo.