1 min read

Ummadda Islaamka oo maanta u dabaal degaysa maalinta Ciidda.

Guud ahaan Ummadda Muslimiinta ee ku kala sugan daafaha caalamka ayaa si weyn ugu dabaal degaya farxada maalinta Koowaad ee Ciidul Adxaa.

Dadyowga Islaamka ayaa subaxa hore ee maanta isugu imaanaya Masaajidada iyo Garoomadda waa weyn, si ay u tukadaan Salaada Ciidul Adxaa.

Maanta oo ah maalinka Tobonaad ee Bisha Carafo ayaa guud ahaan Muslimiinta ay u tahay maalin ay gudanayaan mid kamid ah munaasabada Islaamka.