1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Hambalyo u diray dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadka Soomaaliyeed iyo muslimiinta caalamka ugu hambalyeeyey maalmaha barakaysan ee ciidda Carafo oo ah munaasabad qiimo weyn ku leh diinteenna Islaamka.

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan gudanaya waajibaadka xajka in uu ka aqbalo acmaasha suubban, isagoo ku boorriyey shacabka Soomaaliyeed in ay badiyaan maalmahan barakaysan, ducada iyo Alle bariga ku aaddan horumarka dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muujiyey sida uu uga muragaysan yahay xaaladda nololeed ee ay la tacaalayaan kumannaanka qoys, kuwaas oo ay saameeyeen abaaraha ka jira dalkeenna, waxa uuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay farxadda ciidda la qeybsadaan dadkooda dhibaateysan.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed u rajeeyey in sannadkan kan xiga ku gaaraan horumar, barwaaqo, amni iyo xasillooni, isaga oo kula dardaarmay in ay gacmaha isqabsadaan, qalbiyadana isu furaan.