1 min read

Mas’uuliyiinta Ruushka oo u dabaal degaya iscasilaadda Boris Johnson.

Aqalka Kremlin-ka ee magaalada Moscow, ayaa si adag u weerarey ra’iisal wasaaraha Ingiriiska ee xilka ka dagaya Boris Johnson.

Boris Johnson, ayaa si joogta ah u taageerayey dagaalka Ukraine ay kula jirto ciidanka Ruushka ee kusoo duuley dalkooda.

Afhayeenka Madaxweyne Putin, Dmitry Peskov, ayaa sheegay in Mr Johnson, aanu jecleyn runta, iyaguna aaney jecleyn.

Wuxuu intaa raaciyey in uu rajeynayo in dad xirfad yaqaana, oo ku xeeldheer wada hadalada iney la wareegi doonaan maamulka London.

Dhanka kale, afhayeen u hadley wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka, Maria Zakharova, ayaa saxaafadda u sheegtay in Mr Johnson uu ku lumiyey xilkiisii dhibaato uu isagu bilaabay.

Waxey intaa ku dartey afhayeenadda, in ubucda waxa socda ay tahay in aanu qofna isku dayin inuu dumiyo Ruushka